Sawirro: Salaadiintii MD Muse Bixi u soo diray Laascaanood oo ka hadlay magaalada Oog

21 Feb 2023 (Puntlandes) Salaadiinta Somaliland ee Madaxweyne Biixi u diray in ay nabad ka keenan xaaladda gobalka Sool ayaa sheegay in ay tageen magaalada Oog, iyagoo ku kala qeybsan Ergo ka noqoshada Xukuumadda.

“Anagu hadaanu nahay ergada is-xilqaantay waanu idiin fadhinaa waana idin sugaynaa”ayay dhaheen Isimaddan.

OOG, ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga hirgaliyey saldhig ciidan & mid caafimaad oo qeybihiisa la wado, sidaas oo kale saraakiisha ku dhintay dagaalka ayaa lagu aasay.

Isimadda dhaqanka ee SSC ayaa horey usoo jeediyey in ciidanka Somaliland ee kusugan gobalada SSC lagu cesho magaalada OOG.

About The Author