Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane oo jawaab kulul siiyay gudoomiyaha UCID

22 Feb 2023 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Cateeye Fariid ayaa ka jawaabay qoraal uu boggiisa Twitter-ka ku qoray gudoomiaya Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, kaas oo uu gudoomiye Faysal ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inuu is casilo maadaama uu ku fashilmay arinta Laascaanood.

Wasiir fariid ayaa qoraal uu isna soo dhigay boggiisa Twitterka ku yiyi “Qalalaasaha ka taagan magaalada Lascanod ayaa waxaa ka dambeeya kooxo kala duwan oo leh aragtiyo iska soo horjeeda. Waxa wax laga xumaado ah in Faysal Cali Waraabe uu door biday in aanu ka qayb galin shirkii maanta ee komishanka doorashooyinka ay Xisbiyada mucaaridku Codsadeen Taas beddelkeeda waxa uu ka door biday in uu colaadda Laascaanood ka taagan uu sii huriyo oo uu basiin ku shubo”.

About The Author