Wasiir Caana-nuug oo iscasilay, eedeyn culsna u jeediyay RW Xamse

23 Feb 2023 (Puntlandes) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka XFS, Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug ), ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.

Caana-nuug ayaa Wasiirka Duulista Hawada Fardowsa Cismaan Cigaal ku eedeeyey ku tagri-fal awoodeed oo uu sheegay in ay si joogta ah ugu kacdo.

Waraaq kasoo baxday Wasiir Maxamed Cali ayuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre wax ka qabasho la,aanta dulmiga iyo awood sheegashada Wasiir Fardowsa Cismaan kula kacayso muwaadiniinta.

“Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda ee uu u diray Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Caana-nuug ayaa sii raaciyay “Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Cadde, oo heysta ruqasado shaqci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada.”

About The Author