Sawirro: Ganacsade iyo Siyaasi Saacid Daacaweyne oo Nairobi qado sharaf ugu sameeyey siyaasiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle

23 Feb 2023 (Puntlandes)  Ganacsade iyo Siyaasi Saacid Maxamuud Kaarshe (Saacid Daacaweyne) ayaa maanta caasimada dalka Kenya ee Nairobi wuxuu qado sharaf ugu sameeyey siyaasiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle oo uu hogaaminaayo Ugaaska beesha Xawaadle.

Qadada ayaa sidoo kale wuxuu ku casuumay oo ka soo qayb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada Puntland Mudane Xaashawe Ali Jariban, Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan, Gudoomiyaha Golaha Daryeel Waamo Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, qaar ka mida siyaasiinta Reer Puntland, Ganacsato, Qunsulka Dawladda Puntland u fadhiya dalka Kenya iyo waxgarad kale.

Ganacsade iyo Siyaasi Saacid Maxamuud Kaarshe (Saacid Daacaweyne) oo horey usoo noqday wasiir dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kasoo qaybgalayaasha ayaa ugu horayntii u mahad celiyey Beesha Xawaadle iyagoona ku amaanay siday siday u jecel yihiin midnimada Shacabka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay kaga jiraan in dalkeena lagu soo dabaalo nabad iyo dawladnimo.

Ugu dambayntii Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Wasiirkii hore ee wasaarada Waxbarashada Somalia Goodax Bare,Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare, Xildhibaan Mohamed Sanbalooshe oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyey Saacid Maxamud Kaarshe iyo dhamaan ka soo qaybgalayaasha, kuna amaanay soomali jeceyl.

About The Author