Taliskii Ciidanka Gen. Mahad Cambaashe oo lala wareegay

25 Feb 2023 (Puntlandes) Saldhigii ciidan ciidanka Somaliland ee gobalka Sool ee uu hogaamiyo Gen Mahad Cambaashe oo kasoo jeeday gobalka Sool ayaa waxaa dagaal qaraar ka dib waxaa la wareegay xooggaga SSC.

Xerada Guulwadaayasha  oo saldhiga u ahayd ayaa waxaa kaloo looga qabsaday baabuurta Gaashaaman ee dagaalka oo uu ka mid yahay Kaare.

Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeeda la weeraray, ayna iska difaaceen kooxo ay ugu yeertay Argagixiso nabad diid aragtideeda kasoo horjeeda.

Xerada Guulwadayaasha ayaa ahaa bartilmaameedka ugu xoogan ee ay dadka deegaanka doonayeen in ay qabsadaan, halkaas oo ay yaalaan hub xoogan oo ay Somaliland keentay maalmihii lasoo dhaafay.

About The Author