Somaliland oo sheegtay in weerar ciidankeeda lagu soo qaadeen nabad diid ah iyo argagixiso ay iska difaacday

25 Feb 2023 (Puntlandes) Somaliland ayaa sheegtay inay weerar ciidankeeda ku soo qaaeen wax ay ugu yeertay kooxo nabad diid ah iyo argagixiso is kaashanaya.

Somalilandayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay xabadjoojintii ay ku dhawaaqday ay ilaalinayso, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay la xaqiijinayo in ay duulaankan qorsheynaysay.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Somaliland:

WAR-SAAFADEED

Hargeysa-25-2-2023()- kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada is huwanaa ayaa saacad ka hor weerar ku soo qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood, iyagoo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo ilaalinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, waxay ku sugan yihiin difaacna kaga jiraan fadhiisamadooda, masuuliyada weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada oo gabaadka ka dhiganaya shacabka iyo magaalada Laascaanood.

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha

About The Author