Dagaal qaraar oo ka soconaya agagaarka Laascaanood

27 Feb 2023 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay saaka weerar saddex jiho ku qaadeen fariisimo ciidamada SSC ku leeyihiin hareeraha magaalada.

Dagaalka ayaa intiisa badan ka soconaya agagaarka miraanyada oo ah goob ay shalay dageen ciidamada maamulka Somaliland, ee ka baxay saldhigyadoodii Tukaraq iyo Gambadha.

Khasaare xooggan ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay dagaalka, wallow aan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.

Waxaana lagu soo waramayaa in Hub looga furtay Somaliland dhawr jihana ay ka riixeen Ciidanka SSC.

About The Author