Muuqaal: Somaliland oo ku dhawaaqday inay ciidamadeedii kala baxday furimaha gobolka Sool, mana sheegin….

26 Feb 2023 (Puntlandes) Ciidamada SSC oo 21kii cisho oo u dambeeyey dagaal qaraar kula jiray Ciidamada Somaliland fariisimo badanna ka qabsaday ayaa maanta waxa uu maamulka madaxweyne Muuse Biixi ee Somaliland waxa uu ku dhawaaqay inay Ciidamadooda kala baxeen furimaha gobolka Sool.

Somaliland ayaa ku sababaysay ka bixisteeda fulinta baaqii Beesha Caalamka iyo rabitaanka shacabka SSC.

 Somaliland ma aysan sheegin halka ay gaysay Ciidamadeeda, iyadoo sidoo kale dalbatay in Ciidamada SSC laga saaro magaalada Laascaanood.

About The Author