Somaliland oo qaar ka mid ah Ciidamadeeda kala baxday Xerada Goojacadde

04 Mars  2023 (Puntlandes) Xerada ay Ciidamada Somaliland ku leeyihiin duleedka magaalada Laascaanood ee Goojacadde ayaa waxay Somaliland ka saartay 4 madfac oo ay baabuur jiidayso kuwaas oo ka mid ahaa kuwii lagu garaacayay magaalada iyo 7 baabuurta dagaalka ah oo Ciidan saaran yahay.

 Madaafiicda iyo ciidanka ayaa waxaa la dhaafiyey magaalada Yagoori iyagoo kusii socda Oog, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedada.

Waxaa la filayaa inuu miro dhalay dadaal xoogan oo ay Mareykanka iyo Itoobiya wadeen kaas oo ah in la qaado ciidanka Somaliland.

16kii bishii hore warar waxay sheegayaan inuu Madaxweyne Biixi u sheegay wakiilada Beesha caalamka in uu ciidankiisa geynayo AdhiCadheeye, balse u baahan yahay damaanad ah in aan looga daba imaanin.

About The Author