Gudoomiyaha Baarka Somaliland oo su’aal geliyay in weli Muuse Biixi diyaar u yahay xal nabadeed..

05 Mars  2023 (Puntlandes) Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa mar kale su’aal geliyay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu diyaar u yahay xabbad-joojin iyo wada-hadal, si loo joojiyo colaadda Laascaanood.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo todobaadkii hore caddeeyay in Muuse Biixi uu diiday dhammaan xal kasta oo lagu keeni lahaa nabadda Laascaanood, ayaa xalay mar kale su’aal geliyay in weli Muuse ka tanaasulay mowqifkiisi colaadda.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa yiri ” Runtii waxaan qabaa dhib badan baa dhacday, ciddii gaystana weli kursigii bay fadhidaa waa sax, laakiin mar walba in aan la quusan oo nabad laga shaqeeyo anigu ka guddoomiye ahaan wan qabaa, waxaanse su’aal gelinaya in arrintaas ay suura-gal ka tahay dhanka Muuse

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray, in maadaama Muuse Biixi uu xal kasta oo nabadeed hore u diiday, iyadoo aan dhibkan weyn iyo colaaddani dhicin, haddana ay weli calaamad su’aal tahay in uu hadda nabad diyaar u yahay.

About The Author