Dawladda Ingiriiska oo joojisay taageeradii ay siin jirtay ciidamada Somaliland

05 Mars  2023 (Puntlandes) Warqad ka soo baxday xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay Hargeysa kuna socotay Wasiirka Difaaca Somaliland ayaa loogu sheegay maamulka Somaliland in la joojiyey caawimadii ciidamada Somaliland ay siin jirtay dawladda Ingiriisku.

Dawladda Ingiriiska ayaa joojinta ku sababaysay dhaqaale xumo soo wajahay darteed iyadoo ku ekaandoonta 31 bishaan Maarso 2023.

Iyadoo aysan Dawladda Ingiriisku joojinta ku sababayn ayey waxay qoraalku ka sheegtay inay xuntahay sidii ay Ciidamada Somaliland ula dhaqmeen shacabkii dhigayey banaanbaxa bilihii Juun iyo Luulyo ee 2022ka iyo kii magaalada Laascaanood.

Dawladda Ingiriiska ayaa caddaysay in hab dhaqanka Ciidanka Somaliland uu hoos u dhigayo in shacabku aaminaan dawladda.

About The Author