Gudoomiyihii Urur siyaasadeedka Waaberi oo ku dhawaaqay inuu ka baxay siyaasadda Somaliland

06 Mars  2023 (Puntlandes) Gudoomiyihii Urur siyaasadeedka Waaberi Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa sheegay in uu ka baxay siyaasadda Somaliland, isagoo  ku sababeeyey dagaalka iyo burburinta ay Somaliland ka wado magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Cabdirisaaq Ataash ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuu dib ugu laaban doono Ganacsiga iyo hawlihiisa kale ee u gaar ka ah.

Cabdirisaaq Ataash ayaa ka soo jeeda Gobolka Sool waxaanu dhawaan kaga dhawaaqay Somaliland Urur siyaasadeedka Waaberi oo ka mid Ururada soo baxay.

Sidoo kale waxaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inuu isaga baxay siyaasadda Somaliland arinta Laascaanood darteed Siyaasi Saleeban Ciise Axmed Xaglo-Toosiye oo isna gudoomiye u lahaa Ururka Shacab.

Is casilaadiisa ayaa ku soo beegmaysay iyadoo u todobaadadii la soo dhaafay Laascaanood u ka socdo dagaal khasaare badan dhaliyey kaasi oo u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

About The Author