Muuqaal: Deni “Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan”

05 Mars  2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo magaalada Bosaso kaga qeybgalay shirka Horumarinta degmada Bosaso ayaa caddeeyey mawqifka dawladda Puntland ee dagaalka uu maamulka Muuse ka wado magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan Puntland qayb ka ahayn dagaalka magaalada ka socda uuna aaminsan yahay in shacabka reer SSC ay isga filan yihiin inay sharaftooda iyo cirdigooda difaacdaan.

Madaxweyne Deni “Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa, Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan Nu-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay”

About The Author