Muuqaal: Axmed Karaash Geedi “Caano leh wuxuu ku egyahay dawlada hoose……”

07 Mars  2023 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa sheegay in diiwaangelinta iminka ay wado xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Siciid Deni ay ku qusayso oo kaliya doorashada goleyaasha deeganka.

Axmed Karaash ayaa ku sababeeyey inaysan waqtiga u haray ku qaban Karin doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha maadaama uu yar yahay waqtiga haray, ayna xukuumada ka dambaysa sii wadi doonta.

Axmed Karaash ayaa yiri “Geedi Caano leh wuxuu ku egyahay dawladaha hoose, waxa inoo haray waqti yar lagamana gaarsiin karo Baarlamaanka, waxna nooma qarsoona mana dhici karto”

About The Author