Sheekh Shariif, Kheyre, Cumar C/rashiid, Gaas, Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble oo ka digay muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka

07 Mars  2023 (Puntlandes) Bayaan wadajir u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintan xagal daacinta ah dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha Mabaadiida aas aasiga ah ee Dastuurka.

About The Author