Somaliland oo soo saartay go’aamo cusub oo kuwajahan xaalka gobalka Sool

08 Mars  2023 (Puntlandes) Somaliland ayaa soo saartay go’aamo cusub oo kuwajahan xaalka gobalka Sool, waxaana ay kala yihiin dsidaan:.

1- In ficiladii dhacay 27kii ilaa 28-kii December 2022 ay ahaayeen kuwa looga soo horjeedo Dimuquraadiyadda Somaliland (Maalintii la dilay Marxuum Hadraawi iyo banaanbaxii shacabka loogu jawaabay xabada iyo dilka).

2- Somaliland ayaa kudhawaaqday in ay qasab tahay in ciidamada Argagixisada ay ugu yeertay, gaar ahaana kuwa Puntland, Kuwa Dawladduhu u tababareen DFS iyo ciidanka Itoobiya oo ay sheegeen in dagaalka ay qeyb ka yihiin ay kabaxaan gobalka Sool.

3- Somaliland waxay sheegtay in wada hadal lagu dhameeyo xaalka Laascaanood ayna diyaar u tahay oo ay xabad joojin haldhinac ah hirgalisay.

4- Shacabka Somaliland ayaa lagu bogaadiyey Garab-Istaaga shacabka Laascaanood ee barakacay (Xili Burco-Hargeysa iyo Gabiley ka dhaceen banaanbax dagaalka lagu taageerayo).

5- Ciidanka Somaliland ayaa lagu bogaadiyey turida iyo sida ay isku xakameeyewn uguna sugan yihiin xeryahooda.

Hoos ka akhriso qodobo ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland:

WAR-SAXAAFADEED

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ay Ka Soo Baxeen Qodobo Muhiimi.

Hargeysa-09-03-2023-()-Fadhigii 108aad ee Golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga dooday qodobo dhawra, sidoo kalena warbiximo lagaga dhegeystay qaar ka mida golaha wasiirrada.

Qodobada Shirka Golaha Ka Soo Baxay Waxay U Dhignaayeen Sidan:

1) 26-27-28-kii December 2022 guud ahaan Somaliland waxa looga diyaar garoobayey diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, Gobolka Soolna wuxuu ka mid ahaa gobollada diyaar-garawgu ka socday ee Somaliland, waxase lagu soo beegay shaqaaqooyinka ka dhacay Magaalada Laascaanood, taasoo ujeedadeedu ahayd in lagu burburiyo dimu-quraadiyada iyo nidaamka doorashooyinka, nabada, horumarka, la-dagaalanka Argagixisada iyo la dagaalanka Budhcad baddeeda ee ay Somaliland ku caan baxday, taasoo ay Somaliland uga markhaati kaceen Beesha Caalamku in aan Xeebaha Somaliland marnaba ka dhicin wax Falal budhcad badeed ahi.

2) In Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, Ciidammada kala duwan ee ay dawladuhu u soo Tababareen Dawladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia:-

3) Xukuumadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in arrinta Magaalada Laascaanood lagu dhammeeyo wada hadal, iyadoo hirgelinaysa xabad joojintii bilaa shuruuda ahayd ee hore Xukuumaddu ugu dhawaaqday.

4) Goluhu waxa uu ku boorinayaa in Shacabka Somaliland iyo Hay’addaha Caalamiga ahi in ay sii xoojiyaan taakulada binu-aadannimo ee ay u fidinayaan dadka ka barakacay Laascaanood, taasi oo Xukuumaduna diyaar u tahay in ay fudaydiso wixii gargaar ah ee dadkaasi la gaadhsiinayo.

5) Goluhu wuxuu ku bogaadinayaa Ciidanka Qaranka Somaliland sida Xilkasnimada leh ee ay u dhawreen, una fuliyeen go’aankii xukuumadda ee ahaa inay ku sugnaadaan fadhiisimadooda.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada SL.

About The Author