Xisbiga Kulmiye oo Xisbiga ka saaray siyaasiga saamaynta weyn ku leh gobolka Awdal

11 Mars  2023 (Puntlandes) Xisbiga ka arimiya Somaliland ee Kulmiye ayaa Xisbiga ka saaray siyaasiga saamaynta weyn ku leh gobolka Awdal ee Axmed Muumin Seed.

Seed oo hore u ahaa wasiirkii Beeraha ayaa Kulmiye laga saaray kadib markii uu gef ku tilmaamay bannaan-baxyada xukuumaddu daba ka riixaysay ee ka dhacay Hargeysa, Burco iyo Gaboley ee lagu taageerayey burburinta iyo dagaalka ay Ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Axmed Muumin Seed ayaa Kulmiye ku biiray sannadkii 2017 kadib markii uu ka carooday xisbiga Waddani oo uu waayay jagada musharraxa madaxweyne ku-xigeen oo uu doonayay.

Xilligaasi waxa uu jeediyay khudbad caan noqotay oo ahayd “ Waa innoo Boorama” kadibna waxa uu horseed ka noqday guushii xisbiga Kulmiye ee lagu doortay madaxweyne Biixi, isagoo taageerayaal badan u keenay Kulmiye.

Waa suuragal in uu markale boorka ka jafo oo reer Kulmiye ku yiraahdo ”waa innoo Boorama”, isagoo taaageeraya Xisbi kale.

About The Author