Sawiro: Dayactirka ka socda Wadada deegaanka Birta-dheer iyo Xaar-xaar

15 Mars  2023 (Puntlandes) Guddoomiyaha hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, Cabdifitaax Maxamed Sugulle & Gudoomiyaha Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco Construction CO. Mudane Faysal Baabraqiis Suldanka Shacabka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay wadaada xiriirirasa deegaanka birta-dheer ilaa xaar-xaar oo ay ka socoto dayactirka wadooyinkaas.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa qiimaynta shaqada socota waxaana burburin lagu sameeyey wadaada jalam ilaa xaar-xaar oo 11km ah waxaana iska kaashanaya hay’adda wadooyinka Dowladda Puntland iyo shirkada Wadaniga ah ee Kebarco.

sidoo kale waxa dhismo ku socdaa oo shaqadeedanna la bilaabay inta u dhaxeysa birta-dheer ilaa kala-beyr oo la saarayo 20KM oo laami ah waxa fulinaysa shirkada kebarco waxaana maalgalinaysa Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, Cabdifitaax Sugulle ayaa ka warbixiyey shaqooyinka socda iyo halka ay marayaan sidoo kale waxa uu baaq u diray qurba joogta reer Puntland iyo ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadooyinkan socda iyo kuwa la bilaabi rabo.

About The Author