Sacuudiga oo dib u celiyey Markas Xoolo uga keenay Berbera

15 Mars  2023 (Puntlandes) Dawladda Sacuudi Careebiya ayaa dib loo celiyo Markab lagu magacaabo Terest 1 oo wada xoolo Geel ah oo tiradoodu tahay 1634, kaas oo ka yimid dekeda magaalada Berbera-

Markabka oo ku xirtay magaalada Jeddah ayaa waxaa lagu sheegay in uusan wadan habraaca saxda, dhammaan aqoonsiyada ama shahaadooyinka loo baahan yahay ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Markabka ayaa la amray in dib loogu cesho halka uu xoolaha kasoo qaaday oo ah magaalada Berbera, lana soo marsiiyo dhammaan habraacyada ay xooluhu kusoo galaan Sacuudi Careebiya.

About The Author