Dagaal qaraar oo duleedka Laascaanood ka socda Gaadiid dagaal & maxaabiis laga qabsaday Somaliland

18 March  2023 (Puntlandes) Dagaal qaraar oo saaka xili hore ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool kaas oo ciidamada maamulka Somaliland soo weerareen fariisimada shacabka deegaanka ee SSC.

Dagaalka socda ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalanaya. Ciidamada maamulka Muuse Biixi ayaa duqeymo aan loo meeldayin ku garaacaya magaalada, kuwaas oo burbur baahsan u geystay guryaha shacabka Laascaanood.

Dadka deegaanka ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal iyo maxaabiis ay uga qabsadeen maamulka Somaliland dagaalka iyadoo wararku ay sheegaya in aagag cusub lagala wareegay ciidamada Somaliland.

Somaliland ayaa dhankeeda sheeganaysa guulo dagaal oo ay saaka gaartay, halka bilaabashada dagaalka ay ku eedeeysay ciidamada Puntland oo garabsanaya kooxo argagixiso ah.

About The Author