Maamulka SSC-Khaatumo oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Dagaalkii Maanta ee Laascaanood

26 March 2023 (Puntlandes) Galbeedka magaalada Laascaanood gaar ahaan Buurta Hodan iyo dagaal xoogan ayaa ka socda jiidaha bari iyo galbeed kadib weerar ay soo qaadeen ciidanka Somaliland kaasi oo ku bilaabmay hubka culus.

Dhanka maraaga iyo taangiga biyaha ayaa dagaalku ku xoogan yahay, ciidanka lugta SSC ayaa hore ugu ruqaansaday fadhiisimada Somaliland ee aaga Maraaga iyo Goojacade.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka SSC-Khaatumo:

Malayshiyada maamulka Hargeysa ayaa weerar ka soo qaaday laba aag oo kala ah dhinaca Bari iyo dhinaca Galbeedka ee duleedka magaalada Laascaanood, xoogaga xaq u dirirka ee deegaanku waxay hadda dagaal kula jiraan malayshiyada weerarka soo qaaday.

Ciidamada xaq u dirirku waxay markasta heegan u yihiin sidii ay weerarada malayshiyada maamulka Hargeysa uga difaaci lahaayeen deegaankooda, wayna wadayaan is difaacida ilaa ay deegaanka SSC-Khaatumo ka baxayaan.

Beesha Caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed waxaanu u sheegaynaa in maamulka Hargeysa weerarka markasta soo qaado, ayna deegaanka khatar ku yihiin iyo xasiloonida mandaqada iyo tan geeska Afrika.

Xafiiska Maamulka SSC-Khaatumo.

About The Author