Madaxweyne Muuse Biixi oo ku amaanay ciidamada Somaliland kartidooda iyo dagaalka ay uga jiraan Laascaanood

26 March 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo kormeeray Taliska ciidanka Somaliland ee Hargeysa labo goobood oo kamid ah ayaa ku amaanay ciidamada Somaliland, kartidooda iyo howlgalada ay uga jiraan magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in ay dadaalkooda dhan iskugu geynayaan sidii loo garab istaagi lahaa ciidamada.

Adkeysiga ay muujiyeen ayuu sheegay in ay tahay wax weyn oo guul u ah Somaliland, sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey bahda Caafimaadka ee Somaliland oo uu sheegay in ay si buuxda u garab istaageen ciidamada.

Shacabka ayuu ku sifeeyey kuwa mar kasta garab u noqda ciidankooda, ayna waajib tahay in ay door xoog leh ka qaataan difaaca Somaliland.

Taliska Booliska oo uu booqday ayuu ku bogaadiyey sugida Amniga, isagoo sheegay in ay heegan u noqdaan xaqiijinta ammaanka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed ay Madaxtooyadda Somaliland ka soo saartay kormeerka madaxweyne Biixi:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Somaliland oo Kormeer Ku Tegay Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland.

Hargeysa-26-03-2023-()-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku guda jira hawl-maalmeedkiisa shaqo ayaa kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Gashaandhiga, mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidanka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Abaanduulaha Ciidanka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud iyo Saraakiil kala duwan oo ku-sugnaa Taliska Guud.

Waxaana Madaxweynaha warbixin la xidhidiha Amniga iyo difaaca Somaliland siiyey Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga oo uu wehelinaayo Taliyaha Ciidamada Somaliland, waxaanu wasiirku xusay in Ciidamadu ay heegan buuxa ugu jiraan marwalba difaaca, dalka iyo dadka, cidkasta oo hagardaamo la damacsana ay ku dhufanayaan dhirbaaxo aanay mahadin, Ciidamada Somaliland na aanay ahayn kuwo loo baqo ee ay yihiin kuwo difaac adag ugu jiraan Somaliland iyo muwaadiniintiisa.

Waxaanu madaxweynuhu Ciidamada ku bogaadiyey kuna dhiirigelinayaa dedaalka, kartida iyo adkaysiga Ciidannimo ee ay muujiyeen kuna difaacayaan Qarannimadooda iyo weerarada kaga imanaya huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood.

Waxaanu madaxweynuhu sidoo kale bogaadiyey bahda caafimaadka ee dedaalka la barbar taagan ciidamada . Dhinaca kalena waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey bahda warbaahinta oo uu xusay doorka ay ku leedahay arrimaha Somaliland iyo shacbi weynaha Somaliland ee taageerada la barbar taagan ciidamada .

Sidoo kale waxa uu Madaxwyenuhu kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, waxaana halkaa warbixin ku siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Waxaanu Madaxweynuhu booqday Xerada Ciidanka Birmadka ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jira hawlaha degdega ah ee amniga sidii ay ugu gurman lahaayeen marka loo baahdo.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Somaliland waxa uu dardaaran iyo dhiirigelinba u diray ciidamada kala duwan ee Somaliland ee kala ah Ciidanka Somaliland, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Ciidanka Dab-damiska oo iyagu xoog u shaqeeya marwalba, gaar ahaana wakhtigan aynu ku jirno ee Roobabka, waxaanu madaxweynuhu faray dhammaan ciidamada kala duwan inay laba jibaaraan dedaalkooda oo ay meel uga soo wada jeedaan cidii dhibaato la damacsan amniga .

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada SL.

About The Author