Muuqaal: Somaliland oo sheegtay inay inau weerar qaadayso

26 March 2023 (Puntlandes) Afhayeenka Ciidanka Somaliland G/sare Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan oo saxaafadda kula hadlay Xereda Goojacadde ayaa ku eedeeyey inay soo weerareen Ciidan Puntland ah.

Maanta ayaa waxa aagga bari iyo Galbeed ka socday dagaal qaraar muddo ka badan 7 saacadood oo xariir ah, kaas oo dhaliyey qasaaro labada dhan ba Inkastoo Ciidanka Somaliland looga qabsaday Gaadiid dagaal, Maxaabiis iyo fariisimo.

Afhayeenka Ciidanka yaa ku dhawaaqay in ay duulaan qaadayso Somaliland, iyagoo samaynaya howlgal Milateri oo qorsheysan wuxuuna kusoo koobay dagaalkii maanta in ciidankoodu iska difaaceen.

Afhayeenka ayaa Ciidanka Puntland ee (PSF) ku eedeeyey in ay ka dagaalamayaan Laascaanood.

About The Author