TPEC oo wax ka bedel ku samaysay tirada is diiwaangelisay ee 3dii degmo ee laga codeeyey

29 March 2023 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, (TPEC), oo shaaciyey liiska rasmiga ah ee codbixiyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland 26kii March 2023, iyagoona horay u mudeeyey inay doorashada golayaasha deegaanku dhacayso 25ka May 2023ka.

Hadaba marakaanu eegnay tirada iska diiwaangelisay 3dii degmo ee horay ay doorashadu uga dhacday waxaa noo soo baxday in liiskii horu-dhaca ahaa iyo kan rasmiga ah uu u dhaxeeyo farqi, sida ka muuqata shaxda hoose.

Tirada Codbiyayaasha isdiiwaangelisay:

Degmada      Tirada Rasmiga 2022ka     Tiradii hordhaca ahayd      Tida Rasmiga

Qardho          25,405                                 24,541(xumaatay 1,744)    24,658

Eyl                 11,470                                 10,715(xumaatay 1,122)    10,738

Ufeyn            9,964                                   9,902(xumaatay 329)         9,412

Tirrada is diiwaangelisay oo xaqqa u leh inay codeeyaan sanadkaan 2023 waxay ka yartahay tiradii xaqqa u layad inay cadayso sanadkii hore ee doorashadii dhacday. Tirada degmo kastaa ka yar tahay tiradii hore ayaa kala ah Qardho 747 qof, Eyl 732 qof iyo Ufeyn 552 qof.

Maxay ku dhacday in tiradii is diiwaangelisay degmooyinkaas ay doorashadu ka dhacday Oktoober 2022kii in ay TPEC wax ka bedesho iminka?, bal shacabka reer Puntland ha faahfaahiyaan.

TPEC waxay shacabka reer Puntland u caddaysay inaysan diiwaangelintii dhawaan soo dhamaatay aysan ka qaban sadexdaas degmo, doorashaduna ay horay uga dhacday ee ay ka dhacayso degmooyinka kale, sidee marka tiradu isku bedeshay?

Hoos ka daalaco shaacintii TPEC ee 2022kii iyo iminka:

About The Author