Sawirro: Ururka SINCAD oo kulan ballaaran ay isugu yimaaden Taageerayaashiisa Degmada Bursaalax

28 March 2023 (Puntlandes) Urur Siyaasadeedka SINCAD ayaa kulan ballaaran ku qabtay degmada Bursaalax ee gobolka Mudug, kaas oo ay isugu yimaaden Taageerayaasha Ururka oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Munaasabadda ayaa waxaa soo abaabulay ama hogaaminayey Gudoomiyaha Degmada Bursalax ee Ururka SINCAD Mudane Cumar Aadan Yuusuf.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galey qeybaha kala duwan Bulshada iyo Xubnaha Golaha Dhexe iyo Heer Gobol Iyo Heer Degmo, Sida kale Gudoomiyaha Degmada Galkacayo ee Urur Siyaasadeedka Sincad Mudane Cawil Abdulle.

Urur Siyaasadeedka SINCAD ayaa taageerayaan aad xoog badan waxa uu ku leeyahay guud ahaan gobolka Mudug waana “Hormuudka Horumarka Bulshada”

About The Author