Daawo Muuqaal: RW Xamse”Puntland meel aan u qalmin bay ka taagantahay dhisidda Soomaaliya”

08 May 2023 (Puntlandes) Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hadal dheer oo ku saabsan Puntland jeediyey ayaa eedayn culus u jeediyey dawladda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Siciid cabdulaahi Deni.

Raiisul Wasaare Xamse “Dadka Puntland waxay weligood hormuud u ahaayeen dawlad-dhiska Soomaaliya. Maanta waxaa la maraya heer xasaasi ah oo howshii deyn-cafinta ay gebagebo mareyso. Dalkaan oo deynta laga cafiyo horumarna la gaarsiiyo waa lagama-maarmaan. Waxaan ku baaqayaa in aanan taariikhxumo loo soo jiidin shacabka Puntiland, oo horumarkii dalku gaari lahaa uusan u fashilmin diidmo iyo caqabad ka timid maamulka Puntiland”.

Doorashada Puntland wuxuu ka yiri “In doorasho qof iyo cod ah la qabto waan soo dhawaynayaa. Laakiin haddii ay taas suurtogali waydo oo lagu heshiin waayo, waa in wax heshiis lagu yahay la sameeyaa. Haddii nidaamka doorasho ee hadda jiro laga guurayo waa in uu noqdaa guurid la isku wada raacsan yahay”.

Wuxuu kaloo sheegay in ay dawladda Federaalku dhallinyarada Puntiland diyaar u la tahay ilaa 400 oo shaqooyin Macallinnimo ah iyo fursado kale oo ciidannimo leh, laakiin nasiibarro uu maamulka Puntland uu dano siyaasadeed dartood u diiddan yahay inay dhallinyaradu fursadahaas ka faa’ideystaan.

About The Author