Sawirro: Isimada iyo Waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud oo Madaxweyne Deni ka diiday muddo kororsi iyo dastuur furis

13 May 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta la kulmay isimada iyo waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud isagoo ka codsaday inay ka cafiyaan gefkii uu kula kacay markuu boobay Xildhibanaadoodii.

Shirka oo aysan ka qaybgalin wasiirada iyo maamulka gobolka Mudug ayaa Isimada iyo waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud waxay ka aqbaleen cafiska iyo raaligelinta uu ka bixiyey gefkaas, waxayna Nabadoonadi ka hadlay kulanka sheegeen in Boobkaas ay unga darnayd gefef kale oo is daba joog ah oo uu kula kacay beesha.

Gefefka ayaa waxaa ka mid ah inaysan Reer Mudugu aqoon Xalay dhalay isagoo iminka ka hor aan la yeelan kalan kana dalban cafis, sidoo kale wuxuu Deni dhowr jeer sheegay inaysan ahayn dad dagaalama oo uu isagu xoreeyey iyo wax kaloo la mid ah.

Kulanka ayaa Madaxweyne Deni Isimada iyo waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud ugu sheegeen in aysan diyaar u ahayn in ay arimaha siyaasada ay kala Shaqeeyaan madaxweynaha isla markaasna waxay uga digeen madaxweynaha mudo kororsi uu sameeyo iyo dastuurka Puntland oo uu furo, taas oo ay ku sheegeen inay Puntland khalkhal iyo Xasilooni daro ay galinayso sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

Sidoo kale waxay Xasuusiyeen in Puntland mar kaliya uu AUN madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf isku dayey muddo kororsi ayna keentay in rag badan ku dhinteen ayna doonayn inay tii oo kale dhacdo.

About The Author