Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ”xaaladda Puntland iminka taagan tahay waxaan ka ahay dhex dhexaad”

18 May 2023 (Puntlandes) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abdirashid Yusuf Jibril oo isu soo bax ka dhacay Hadaaftimo kaga hadlay shaqaaqadii Garowe ayaa sheegay inuu dhex-dhexaad ka yahay is-mariwaaga ka dhashay doorashada ka socota dhanka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Gudoomiye Abdirashid ayaa yiri ”waxaan cod dheer shacabka reer Puntland ugu sheegayaa in masraxa siyaasadda ee hadda xaaladda Puntland taagan tahay aan ka noqon doono dhex dhexaad, Ururada siyaasadda dhex u ahay, siyaasiyiinta arigtiyada kale qaba aan dhex u ahay, Xukuumadda aan dhex u ahay, cid kastana aan kala fariisanayo Masiirka Puntland iyo arimaha Puntland la isna qancin doono”

Puntland ayaa iminka waxaa ka tagaan khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka golaha deegaanka oo uu madaxweyne Deni doonayo inuu ku soo saaro oo ay noqdaan Xisbiyo Siyaasadeed Ururada KAAH, MIDEEYE iyo SINCAD oo dhamaantood laga leeyahay Qardho.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa u qorshaysan inuu sameeyo muddo korsi aan dastuuri ahayn isagoo u maraya waxaan ku heshiinay sadexdaas Xisbi oo talada Puntland ka go`da.

About The Author