Daawo Muuqaal: Gudoomiyaha Dagmada Jariiban “ha la hakiyo in la keeno Sanduukhyada doorashada”

22 May 2023 (Puntlandes) Gudoomiyaha Degmada Jariiban Cali Saciid Cabdinuur Khaliif oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Jariiban ayaa ka hadlay dhacdo ka dhacday magaalada Jariiban.

Gudoomiyaha Dagmada Jariiban ayaa sheegay in isu soobixii Ururka KAAH oo uu doonayey inuu ka hadlo, in wasiirka Ganacsiga amar ku bixiyey in Makaroofanka laga qaado taas oo sababtay in shacabkii kaceen kadibna ilaaladii wasiirka ayaa Rasaas riday.

Gudoomiyaha ayaa yiri “ha la hakiyo in la keeno Sanduukhyada doorashada inta laga xalinayo dhibka dhacay”

About The Author