Puntland: Kulamo iyo is-xulafaysi u bilowday Ururrada siyaasadda ee ku tartamay Doorashada Golaha Deegaanka

27 May 2023 (Puntlandes) Ururrada siyaasadda Puntland ee ay usoo baxeen Xubnaha Golayaasha Deeganka ku ayaa bilaabay kulamo is xulafaysi lagu raadinayo maayirrada magaalooyinka waa weyn iyo degmooyinka.

Sadexda urur ee helay codadkii ugu badnaa, lana saadaalinaayo in ay u gudbaan Xisbiyo ee Kaah, Mideeye iyo SINCAD ayaa hardan adag ugu jira siday u samaysan lahaayeen xulufaysi siyaasadeed, si ay u dhistaan golayaasha deegaanka, maadaama ay yar tahay urur heley aqlabiyadda.

Urur siyaasadeedka SINCAD ayaa u muuqda in uu jaangoynayo marxaladda hadda iyadoo ay soo baxaan in ay Mideeye iyo Kaah ay door doonayaan in mid walba gooni ula dhisto golayaasha deegaanka.

Sida ay tilmaamayaan ilo-wareedyo hoose, waxa maanta baaqday kulan uu madaxweyne Deni ku casumey Guddoomiyaha SINCAD, Eng.Jebiye, ka dib markii uu ka cudur daartey Jebiye kulan kaasi.

About The Author