Akhriso-Daawo: heshiiska hanaanka doorashoyinka iyo muddo kororsiga ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran

28 May 2023 (Puntlandes) Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shaaciyey heshiis ay ku sheegeen inay ka gaareen hanaanka doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey dastuurka dalka ee ummadda Soomaaliyeed ku heshiiyeen.

Golaha ayaa wuxuu ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List).

Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loona dardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, waxaa dalka uu qaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaaliyeed ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan.

Degmooyinka G/Banaadir waxa ay yeelanayaan goleyaal deegaan oo ay soo dooranayaan dadka deegaanka si toos ah, waxayna dhacaysaa 30 June 2024.

Doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer DXDF waa qof iyo cod
oo shantii sanaba hal mar ah. Si loo mideeyo muddada doorashooyinka heer DXDF, waxay doorashooyinku ku qabsoomi doonaan sida soo socota:

I. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa 30 June 2024.

II. Golaha Wakiilada DXDF waxay doorashooda dhici doontaa 30 November 2024.

III. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka DXDF waxay doorashadooda dhici doontaa 30 November 2024.

About The Author