Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah isimada dhaqanka gobollada Sool, Sanaag & Cayn

29 May 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn isagoo kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Magaalada.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii Xukuumadda ee masiirka Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

About The Author