Muuqaal: Madaxweyne kuxeen Ilyaas ”File-ka Puntland ee Khaatumo anigaa gacanta ku qaban doona cid MD Siciid ii dhaafi kartaa ma jirto,,”

13 Jan 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa caddeeyey inuu isagu masuul ka yahay SSC-Khaatumo aanna loo dhaafi karin madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Madaxweyne Ku-xigeen Lugatoor ayaa yiri ”File-ka Puntland ee Khaatumo anigaa gacanta ku qaban doona cid MD Siciid ii dhaafi kartaa ma jirto, anigaa gacanta ku qaban doona haday dhaqaale tahay, haday Ciidan tahay, haday siyaasad tahay”

Arintaan uu Madaxweyne Ku-xigeenku sheegay ayaa waxay ka dhigaysaa in isaga iyo madaxweynuhu ay labo madaxweyne ka kala yihiin Khaatumo iyo Puntland waana arin aan dastuuri ahayn kuna cusub Puntland.

About The Author