Taliyihii Ciidamada Daraawiishta SSC-Khaatumo oo is casiley

28 April 2025 (Puntlandes.com) Taliyihii Ciidamada Daraawiishta SSC-Khaatumo Gen. Saleebaan Barre Geesood ayaa is casiley, isagoo aan caddayn waxa uu shaqadaasi uga tagey.
Taliyuhu wuxuu sheegay inuusan faahfaahin ka bixinayn sababaha uu isku casilay, balse uu wadi kari waayay shaqada ciidanka.
Geesood ayaa noqonaya Taliyihii sadexaad ee is-casila sanad gudihii. Hore waxaa isku casilay laba taliye Sirdoon oo aan weli boosaskoodi la buuxin .
