Soomaaliya & Masar oo xiriirkoodu xumaaday kadib markii….

29 April 2025 (Puntlandes.com) Sida uu ku warramayo wargeysa Al-Carab Al-Jadiid, waxa xiisad-siyaasadeed ka dhex taagan tahay Soomaaliya iyo Masar, ka dib markii uu hakad ku yimid heshiiskii iskaashiga millatari ee labada dal kala saxiixdeen Agoosto 2024, ka gadaal isu soo dhawaanshaha degdegga ah ee Muqdisho iyo Addis Ababa, taasi oo walaac gelisey Qaahira.

Masar ayaa la sheegay in ay hakisay qorshe ballaadhan oo ay ku taageeri lahayd Soomaalida, oo ay ku jirto dirista in ka badan 1,000 askari, sida ay wargeyska u sheegeen ilo-wareedyo.

Imaanshaha ciidamada Turkiga ee Muqdisho iyo Iskaashigii saddex-geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Masar iyo Eriteriya oo hoos u dhacay ka dib markii uu Turkigu isu geeyey madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sii kululeeyey loolanka Gobolka Geeska Afrika.

Dawladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ma isku sii wadi kartaa Qaahira, Asmara, Addis Ababa iyo Ankara?

About The Author