RAYSUL WASAARE SHARMARKE YUU MATALAA? MUXUUSE KA YAHAY DFS ta Xasan Sheekh?

1151

29 jun 2015 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa waxaa Madaxweynaha DFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu magacaabay 17-kii december 2014.

Raysul Wasaare Sharmarke yuu matalaa?

Raysul Wasaare Sharmarke wuxuu matalaa oo ka wada dhexeeyaa ummadda Soomaaliyeed maadama uu yahay mas’uulkooda laakiin wuxuu  ku joogaa awood qaybsi ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay wuxuuna boooska ku joogaa Beesha Daarood.

Madaxweynaha DFS xasan sheekh iyo Beeshiisa waxay ku hawlan yihiin la dagaalanka Beesha Daarood iyagoo dagaal cad ku qaaday dawlada Jubaland oo sifo aan sharcigii lagu heshiiyey waafaqsanayn bay wuxuu Baarlamaanka xasan ku sheegeen inay kala direen Baarlamaankii sharciga ahaa ee dawladda Jubaland.

Waxaa Intaas sii dheer oo ay weera ba’an ku qaadeen iyagoo adeegsanaya magacii daladnimada Soomaaliyeed dawlada Puntland iyagoo waa Xasan iyo Beeshiise ay cadaysteen BOOBKA dhulka Puntland waxayna dheheen waxaan Gobolka Mudug ku darsanay Cadaado oo anagaa qaadanay, oo wax ay ugu yeereen dastuur bayba ku qorteen!!

Dhanka kale intaas kuma aysan ekaane wuxuu Xasan Sheekh sheegay inuu ku darayo Somaliland Gobolada Sool, sanaag iyo Cayn oo Puntland ah. Iyagoo Xasan iyo Beeshiisu ay qorshaysteen inay Puntland ku koobaan labada Gobol ee Nugaal iyo Bari.

Raysul Wasaare Sharmarke wuxuu sigaar ahaaneed uga soo jeedaa Labadan dawladood ee ay DFS ta Xasan Sheekh dagaalka ku soo qaaday wuxuuna ka yahay daawade!!  CAJIIB

Maxaa afkiisa iyo qalinkiisa haysta? Raysul Wasaare Sharmarke ma wuxuu ku aadi waayey ciyaalkan wasiirada ku magaaban? Mise iyagaaba ka awood badan?

Waxaa muuqata inuusan matalin Raysul Wasaare Sharmarke Beesha Daarood uuna gabay booskii laguna hor cunayo dadkiisa uusana waxba ka oran karin.

Muxuuse ka yahay Raysul Wasaare Sharmarke DFS ta Xasan Sheekh?

Madaxweynaha DFS Xasan sheekh iyo Beeshiisa waxay ku hawlan yihiin sidii uu Gen Caydiid Buugiisii ku qoray oo ahayd Soomaaliya anagaa 90% ah waana inaanu kaligayo xukunaa!!

Waxaa taas daliil u ah sidatan:

  • Gobolada Dhexe waa dawlad Hawiye
  • Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose waa dawlad Hawiye
  • Gobolka baraadir waa dawlad Hawiye (Ogow waa Caasimadii dalka)
  • Koonfur Galbeed waxaa Hawiye ku leeyahay 35% (Ogow Golaha wasiirada KG waxay Hawiye ku leeyihiin 25% hada wayna saluugsan yihiin)
  • Jubaland waxay u dhaheen waan kala dirnay Baarlamaankeeda waxay is tuseen inay Xoogi karaan ugu yaraan 27% (waxay wadaan in loogu daro 20 xildhibaan inkastoo uu diiday madaxweynaha Jubaland)
  • Waxay kaloo qorshaysteen in Beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante ee dega Gobolada Sool, sanaag iyo Cayn ee Puntland sida Gobolka Mudug oo kale ku daraan Somaliland.
  • Ugu dambayna waxay Madaxweynaha DFS Xasan sheekh iyo Beeshiisa qorshaysteen in loo midoobo Koonfur oo mid ah iyo Somaliland tii Ingiriisku Gumaysan jiray.

Madaxweynaha DFS Xasan sheekh iyo Beeshiisa waxay qorsheeyeen sidii uu Gen Caydiid ku taliyey ee u suurtoobi wayday isaga 1991 kii inay maanta si sahlan ku fuliyaan ayna waxaan jirin oo loo taliyo ka yeelaan Beel waynta Daarood.

Aaaway door Raysul Wasaare Sharmarke? Waxaa cad oo Beesha Daarood u cad maanta inuusan waxba ugu oolin Raysul Wasaare Sharmarke hortiisana lagu BOOBAYO dagaal cadna looga hayo dawladii uu isagu Raysul Wasaaraha ka ahaa uuna daawade ka yahay.

Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa ”Raqba baa ku rageen” Raysul Wasaare Sharmarke iyo Raysul Wasaarihii ka horeeyey Cabdiwali Sheekh kala duwan qof walbana waa u cadahay taariikhduna waa xusi doontaa doorkii halyey Cabdiwali oo xilkiisa ku waayey geesinimadiisii.

Puntlandes.com

About The Author