Muuqaal: Golaha Wasiirada Somaliland oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inay laaleen Wada-hadalladii Ka dhaxeeyey Somaliland & Soomaaliya

16 April 2025 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirada Somaliland oo sheegay Shirkii Golaha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay laaleen Wada-hadalladii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka Golka wasiiradda ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirradu Somaliland waxa ay go’aamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16th, 2025”
“Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Tallaabadaasi waxa ay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah khatar u gelinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyada oo lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland oo si sharci-darro ah loo afduubay.”