Guddoomiye Aadan Madoobe oo fadhiyada Golaha Shacabka ka mamnuucay 20 xildhibaan

30 April 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa 20 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha, isagoo sidoo kale Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday in uu talo bixin iyo tallaabooyin ku haboon kasoo gudbiyo xubnahaan si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Tallaabada Aadan Madoobe qaaaday ayaa ah mid lagu burburinayo Xildhibaanada mucaaradka ku ah maamulka Xasan Sheekh, iyadoo 20kaan mudane ay ahaayeen kuwii hormuudka u ahaa ka hor imaanshihii in sifo sharcidaro ah Xasaanadda looga xayuubiyo Xildhibaan Abiib oo uu madaxweynuhu doonayey inuu Golaha ka saaro.

About The Author