Cabdiqani (Sayloor) oo kamid ahaa Shabaabkii dilka ku xukumnaa ee ka baxsaday xabsiga Gaaalkacyo Puntland oo gacanta la qabtay

10 May 2025 (Puntlandes.com) Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) oo kamid ahaa Shabaabkii dilka ku xukumnaa ee ka baxsaday xabsiga magaalada Gaaalkacyo Puntland ayaa gacanta lagu dhigay xalay
Warar aan ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in lagu qabtay degaan ku dhow degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Mudug. Waxaa gacanta ku dhigay ciidamo katirsan maamulka Galmudug.
Puntland iyo Galmudug ayaa haatan ka wada hadlaya sidii Sayloor loogusoo wareejin lahaa laamaha amniga Puntland.