Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug Puntland oo ku guulaystey inay Gacanta ku dhigaan Xukume C/qani (Sayloor)

10 May 2025 (Puntlandes.com) Taliska Qeybta Booliska Gobolka mudug Puntland ayaa ku guulaystey inay Gacanta ku dhigaan Xukume.C/qani Saleebaan Jaamac (Sayloor)
Qabashada Xukumanaha ayaa waxaa gacan wayn ka gaystay Ciidamada Macawisleyda iyo dadka shacabka ah ee Deeggaanada Wisil iyo Bacaadwayne.
Xukumanaha ayaa ka tirsanaa Shabakad dad badan ku dishay Gobolka Mudug Gaar ahaana Magaalada Gaalkacyo. iyada oo horey Garsoorka Dowladda Puntland ay dil toogasho ku xukuntay
ayaa ka baxsadey gacanta Dowlada
Taliska Qaybta Mudug iyo Guud ahaanba laamaha ammaanka Dowladda Puntland oo baadi goobayay xukumanahan isla markaana Madaxiisa lacag dul saartey ayaa lagu qabtey Deegaanka Bacaadwayne ee Gobolka Mudug Galmudug.
Xukumane C/qani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaana loo gudbiyay Xabsiga dhexe ee gobolka mudug.