TPLF oo laga saaray liiska rasmiga ah ee xisbiyada dalka Itoobiya

14 May 2025 (Puntlandes.com) Guddiga Doorashooyinka Itoobiya (NEBE) ayaa si rasmi ah uga saaray Xisbiga TPLF liiska xisbiyada siyaasadeed ee dalka, kadib markii sida ay sheegeen uu ku guuldareystay inuu fuliyo waajibaadkiisa sharciyeed muddo saddex bilood ah.
Go’aanka ayaa isadoo la raacayo xeerarka doorashooyinka dalka, waxaana lagu wargelin doonaa Wasaaradda Caddaaladda iyo shacabka, in TPLF laga bilaabo hada aysan ahayn xisbiga ka diwaan gashan Itoobiya la aqonsan yahay.
Gudiga Doorashooyinka Itoobiya waxay shegeen in gabi ahaanba la tirtiray Xisbiga TPLF madaama uu soo buuxin waayay xeerarkii sharciga dalka.