RW Xamse oo xil kaqaadis kaga Jawaabay qoraalkii Xil Sanyare

14 May 2025 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa, inuu noqdo Agaasimaha Guud ee
Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa wax kayar 13 saac kadib xilka uga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Yusuf Samatar, isagoo u magacaabay, Cabdirisaaq Axmed Cali Gelinbacayn.
Agaasimihii hore Yusuf Samatar ayaa qaraabada hoose la ahaa Xildhibaan Cabdidiladiif muse Nur (Sanyare) iyadoo 5 bilood ka hor loo magacaabay xilkaas oo Xil Sanyare ku qanciyay madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.
Xalay ayaa Xildhibaan Sanyare waxa uu weerar afka ah ku qaaday Ra’isul Wasaare Xamse isagoo soo qaatay masawirkiisa iyo kan gududoomiye kuxigeen Golaha Shacabka Xil Sacdiyo yiri ”kor dumar kabo isma dheera baan maqli jiray” , hoos ka fiiri qoraalka, taas oo loo badinayo inuu ka caroodsay Xamse uuna caradii kula dhacay Agaasimaha.
Agaasimaha cusub Cabdirisaaq Axmed Cali Gelinbacayn ayaa kasoo jeeda Gobolka Bari kaas oo loo magacaabay Xildhibaan Cabdicasiis Qambi oo ay hayb dhaw yihiin.
Madaxweyne xasan Sheekh ayaa caado ka dhigtay inuu xilalka dawladnimada u isticmaalo caburin iyo ma i taageertaa oo qura.
