Farmaajo “MD Xasan Sheekh waxa uu si ula kac ah ugu tuntay dastuurka JFS, doorkii Madasha Wadatashiga Qaran, hannaanka federaaleynta dalka & waajibaadka Guddoonka BFS oo aan xubin ka noqon karin xisbi & urur siyaasadeed”

14 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu eedayn culus u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Farmaajo ayaa Warsaxaafadeedka ku yiri “Maxadaxwene Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si ula kac ah ugu tuntay dastuurka JFS ee lagu doortay, gaar ahaan qodobada 87aad, qodobka 50aad, qodobka 92aad iyo qodobka 65aad oo si cad u qeexaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran ee go’aammada masiiriga ah, hannaanka federaaleynta dalka iyo waajibaadka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan xubin ka noqon karin xisbi iyo urur siyaasadeed.
Waxaa nasiib darro ah in hantidii Dawladda loo isticmaalo olole siyaasadeed iyo urur gaar loo leeyahay, iyada oo si sharci darro ah looga faa’iidaystay ciidankii baanbayda, warbaahintii qaranka iyo xataa shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda.”
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Farmaajo:
