Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse oo BAAQ NABADEED kasoo saaray Colaada Qoriley

بسم الله الرحمن الرحيم

92

Baaq Nabadeed

Anigoo ah Suldaanka Guud ee Beesha Maxamuud Ibraahim Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse waxaan anigoo ku hadla magaca beesha Kan cuqaasha iyo Kan Nabadoonada Beesha waxaan halkaan baaq nabadeed uga dirayaa dadka walaalaha ah ee uu dagaalku ku dhx maray qoriley in ay dajiyaan colaada dhex martay oo ay dagaalkaa sokeeyey damiyaan “Dagaal wiilbaa ku dhintee Wiil kuma dhasho.

Waxaan ku baaqayaa in xiligaan laga gudbay Dagal sokeeye oo dhiig ku daato sidaas awgeedna ay walaalaha Dagaalku dhex maray oo ah dad walalo ah oo daris ah oo baad iyo biyo iyo beriba wadaaga ay xal wanaagsan ka gaaraan Nabadana wada qaatan ayna ka shaqeeyaan inaan dhiig danbe daada oo intaas ku joojiyaan.

Ugu dambay waxaan usoo jeedinayaa Dawladda Puntland Madaxdeeda iyo Baarlamaanka iyo Salaadiintaba inay si dagdag uga miro dhaliyaan hawshaas inta hadda ku jidhana in Ilaahay guul ugu soo dhameeyo.

Intii dhimatay illaahay ha u naxariisto inta waxyeeladu soo gaareyna Alla ha caafiyo.. 

Aaamiiin Aaniin.

About The Author