Baarlamaanka Puntland iyo Xushmayn la’aanta Go’aamadooda.

Waxay ila tahay in aysan jirin cid u baahan, in loo sharaxo, Dawladnimo waxay tahay.  Iyadoo taasi jirto baa hadana, waxaa mararka qaarkood u baahnaanaysa in la is waydiiyo waxa ka khaldan fahamka dawladnimo ee Soomaalida.

Fasiraadda erayga hadaad weydiiso, kuwa talada haya iyo cidkasta oo Soomaali ah waxay ku leeyihiin sidatan.

Waa Golaha fulinta, midda sharci dejinta iyo Caddaaladda.  Waxaase jirta faham la´aan ka jirta qaabka wada shaqaynta iyo tixgelinta go´aamada cidkasta ha gaartee.

Waxaynu la wada soconey in baarlamaanka Puntland go’aamo kasoo saaray dawladda Xamar, 12 July 2015, ka dib ku xadgudubkii Dastuurkii iyo nidaamkii Dawladnimo ee ummaddu ku heshiisey.  Go´aamadaas oo u qornaa sidaan.

1:- Baarlamaanka Puntland waxaa uu go’aan ku gaaray in Dastuurka Lixda Saxiix leh iyo Xoghayaha Guud ee QM oo markhaati ka ahaa uu yahay Dastuurka Rasmiga ahaa waxkasta oo laga bedelayna aanay sharci ahayn.

2:- Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in Xeerarka Baarlamaanka Federaalku ansixiyey oo aan lagala tashan Dowladda Puntland ahaydna in lagala tashado sida uu qabo qodobka 111-aad ee dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan Sharci ahayn kana shaqeyn karin Puntland dhexdeeda.

3:- Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in uusan aqoonsanayn Seddexdaan Guddi ee kala ah,  Guddiga dib u eegista Dastuurka Dowladda Federaalka, Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiga Xuduudaha iyo arrimaha Federaalka, kamana shaqo geli karaan Puntland dhulka ay xukunto.

4:- Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in dhismaha Maamul Goboleed aan waafaqsanayn Dastuurka Dowladda Federaalka Qodobkiisa 50-aad Farqaddiisa 6-aad oo ah Labo Gobol iyo wixii kabadan. Wixii taas ka bedelan aanay waxba ka jirin Puntland-na aysan aqoonsanayn maadaama Dastuurka Qobyo qoraalka ah ee lagu heshiiyey uusan waafaqsanayn.

5:- Baarlamaanka Puntland wuxuu dib u eegis ku samaynayaa Kalfadhiga Bisha October Qodobadaas haddii Dowladda Federaalku wax ka bedeshay, oo ay dariiqii saxda ahaa ku soo celisay.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in haddii Dowladda federaalku ay ku adkaysato go’aankeeda Dastuurka iyo Heshiisyadii la galay Baarlamaanka Puntland uu go’aan ka gaari doono sii wada shaqaynta Puntland iyo Dowladda federaalka ah Kalfadhiga Baarlamaanka ee bisha October ee sanadkaan.

Intaas ka dib bay iyaga oo xusuusan, sida aan looga tixgelin, go´aamadooda goleyaasha kale ee dawladda dhexdeeda, ayey daba dhigeen digniin ah in ay sharciga la tiigsan doonaan cidda, lasii shaqaysa dawladda Xamar inta laga saxayo afduubida iyo ku xadgudbidda hogaanka ummadda.

19, isla bishaan september waxaa xamar tegey Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayey,  kuwaas oo ka qayb galay shir Xamar ka socdey oo ay ka muuqdeen Dawlad Goboleedyada aan Dastuurka waafaqsanayn ee uu baarlamaanku go´aanka kasoo saaray, fiiri Go´aanka qodobka (4).

Xalay oo taariikhdu ahayd 29 september 2015 waxaa TV Xukumadda Xamar baahiyey, Taliyihii Booliska (police ) Puntland oo Xamar jooga , halkan RIIX

Marka  waxaa is weydiin mudan in la caddeeyo, waxa ay ku wada shaqaynayaan, isaga iyo booliska Xamar, illeen Sharcigii iyo nidaamkii dawladnimo, waa tay Xamar hore ugu tumatay oo uu baarlamaanka Puntland  Go´aamada ka soo saareene.

Taliyaha booliska Puntland ma aqoonsan yahay baarlamaanka Puntland? Haduu aqoonsan yahay tixgelin ma ka mudnayd Go´aamadoodu?

Mar haddii arrini sidaa tahay oo uusan sharcigu shaqaynayn, oo aan golayaasha “Dawladdu” is tix gelineyn ama is aqoonsanayn. Mar haduu “Go´aan dawladeed” meelna ka soconeyn, Madaxweyne ilaa waardiye. MAXAY TAHAY DAWLADNIMADA AAN SHEEGANAYNAA?

Baarlamaanka Puntlandse muxuu uga duwan yahay FADHI KU DIRIRKA ? misse tolow waxay kaliya oo ay uga duwan yihiin, MUSHAARKA AY SIDA JOOGTADAA UGA QAATAAN JEEBKA CANSHUUR BIXIYEYAASHA?

Hadaba akhristoow bal odoros!! in October oo berri bilaabanaysa uu baarlamaanka Puntland BAL DAA CID KALEE, IN AYAGA LAFTIRKOODU,  U HOGAANSAMIDOONAAN OO AY FULIN DOONAAN GO´AAMADOODAAS IYO IN KALE.

Hadda ogow, hadaysan, u hogaansamin waxay ku sifoobayaan FADHI KU DIRIR aan mudnayn in mushaar iyo darajo toona la siiyo.

Aniga aragtidayda, Xamar ma fulin qodobadaas iyo wax u dhaw toona, awalna laga sugimeyn. Marka waa in go´aan rasmi ah, cid gaari kartaa, go´aankaas oo noqda mid aan sina loo dhaafi-karin laga gaaraa Xamar iyo dawladdooda.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author