Puntland oo ku dhawaaqday inay abaar ka jirto PL, Hay’adda Samafalka ugu baaqday inay gar gaar lasoo gaaran dadka dhibaataysan

15 Okt 2015 (Puntlandes) Wasaaradda Arimaha Guduha iyo Dowladda Hoose ayaa maanta ku dhawaaqday in deegaamada Puntland ay ka jiraan abaaro si ba’an u saameeyey reer Guuraaga, iyadoo intaas kusii dartay inay bilowdeen biyo dhaamis.

105

Agaasimaha Masuubooyinka dabiiciga ah ee wasaaradaas iyo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Arimaha Guduha iyo Dowladda Hoose oo shir jaraaid ku qabtay xarunta wasaaradda ee Garowe ayaa warbaahinta u sheegay in deegaamada Puntland ay badankood ka jiraan abaaro.

Cawil Maxamed Xirsi oo ah Agaasimaha gurmadka iyo musiibooyinka dabiiciga ah oo shirka jaraa’id warbaainta u akhriyey ayaa sheegay markii ay warbixino ka heleen gudoomiyayaasha gobolada iyo kuwa degmoyin  wasaaradu shaacisay in deegaamada Puntland ka jiraan abaaro.

Waxaa uuna sheegay in degmada Xaafuun ee gobolka Kar kaar  iyo Baar gaal oo Gardafuu ah inay ka jiraan biyo la’aan’ isagoo tilmaamay in degmada Xaafuun ay ka jirto xaalad xun oo biyo la’aana.

Howdka gobolka Nugaal

Wasaaradda Arimaha guduha iyo dowladda hoose ee Puntland ayaa maanta sheegtay in deegaamadeeda ay ka jiraan abaaro oo degmooyinka iyo  Tuulooyinka qaarkood ay bilowdeen biyo dhaamis.

Agaasimaha Masuubooyinka dabiiciga ah iyo wasiir ku xigeen wasaaradda oo shir jaraaid ku qabtay xarunta wasaaradda ee Garowe ayaa warbaahinta u sheegay in deegaamada Puntland ay badannkood ka jirto abaar.

Cawai Maxamed Xirsi oo ah Agaasimaha gurmadka iyo musiibooyinka dabiiciga ah oo shirka jaraa’id warbaainta u akhriyey ayaa sheegay markii ay warbixin ka heleen gudoomiyayaasha gobolada iyo kuwa degmoyin ay wasaaradu shaacisay in deegaamada Puntland ka jiraan abaar.

waxaa uuna sheegay in degmada Xaafuun Kar kaar ah iyo baar gaal oo Gardafuu inay ka jiraan biyo la’aan isagoo timaamay in degmada Xaafuun ay ka jirto xaalad xun oo biyo la’aana.

Howdka gobolka Nugaal’ Dhamaan degmooyin gobolka Haylan’ gobolka Bari oo dhan waxaa kajira abaar ay ugu horayso biyo la’aan’waxayna wasaaraddu ugu baaqday Ha’yaddaha Samafalka iyo shacabka in la la gaaro dadkaas gar gaar deg deg ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob deero ayaas isna dhankiisa sheegay in gobolka Sanaag meelo badan oo kamid ah dadku ay ka  guureen’ iyagoo aaday dhanka gobolka Cayn oo roob ka da ay’waxa uuna tilmaamay in gobolka Kar kaar’Gardafuu iyo degmooyinka Bari aysan wax ruuba ka da in isagoo sheegay in gobolka Nugaal Howdkiisa uusan roob ka da in.

Xigasho: Puntlandpost

 

About The Author