Hubeynta Federaalka ee Galmudug oo laga digay inay sii hurineyso dagaalada gobalada dhexe

15 Okt 2015 (Puntlandes) Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dar dar gelisay hubeynta iyo taageerada militari oo ay u fidineyso ciidamada maamulka dhawaan la dhisay ee Galmudug kuwaasi oo dagaal kula jira kooxda Ahlusunna Wal Jamaaca ee maamulka ka dhistay Dhuusamareeb.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa saad militari oo ay ku jiraan hubka fudud, rasaas iyo gaadiidka dagaalka laga qaaday kaydka hubka ee magaalada Muqdisho iyo xarunta NISA la geeyey magaalada Cadaado, waxaa sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay socday dadaal darees loogu qeybinayo maleeshiyaadka uu maamulka Galmudug doonayo inuu kula wareego qeybo kamid ah gobalka Galgaduud.

Abaanduulaha Ciidamada Federaalka Soomaaliya ee qaybta 21aad Col.Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo booqasho ku tagay magaalada Caabudwaaq ayaa darees iyo rasaas ugu geeyey maleeshiyaadka taageersan maamulka Galmudug ee magaaladaasi kula dagaalamay xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca.

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa horey uga digay dhaq dhaqaaqa xukuumada Federaalka ku hubeenayso maamulka Galmudug ayaa sheegtay inay iska difaaci doonto abaabulo uu doonayo maamulka Galmudug inuu kula wareego magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Federaalka Soomaaliya oo kaliya ayaa ah maamulka kaliya ee si KMG ah looga qaaday cunaqabateynta hubka ee saarneyd dalka Soomaaliya, go’aankaasi Qaramada Midoobay ayaa ahayd shardi in aan hubka gacanta loo gelin maleeshiyaad ama ciidamo ka baxsan kuwa Dowlada Soomaaliya.

Guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka Soomaaliya iyo Eritereya ayaa horey ugu sheegay warbixinadoodii hore in hubka lagu wareejiyey dowlada Federaalka in qeyb kamid ah u gacan-gashay kooxda Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale horey loogu eedeeyey Dowlada Federaalka in hubkeeda ay qabaa’ilo si gaar ah u adeegsadeen dagaaladii qabaa’ilka ee ka dhacay gobalada Hiiraan, Sh.Dhexe, Shabeelada Hoose iyo J/Hoose.

Hase yeeshee qalabeynta Galmudug ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo si aan qarsoodi aheyn ay dowlada Federaalka si gaar ah u hubeyso maleeshiyaad ama ciidamo aan si toos ah u hoos imaan dowlada dhexe ee Federaalka Soomaaliya.
105a

105aa

105ab

105ac

105b
Xigasho:Horseed Media

 

About The Author