DEG DEG: RW Sharmarke oo Magacabay Wasiirada Ganacsiga iyo Korantada & Biyaha

23 Nov 2015 (Puntlandes) War ay ka heshay Warbaahinta Puntlandes Xafiiska Raysul Wasaraha DFS Cumar cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa Sheegaya inuu Raysul wasaaruhu uu magacaabay laba Wasiir oo cusub halka uu laba kalena Xilkii ka qaaday.

Raysul Wasaraha ayaa u magacaabay Wasioirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha  Calaahi Maxamed Axmed, wuxiuu kaloo Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyahana u magacaabay Maxamed Mursal Sh C.raxmaan.

Sharmarke ayaa dhanka kale Xilalkii Wasaaradahaasi ka qaaday Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan oo ahaa wasiirka Ganacisga iyo warshadaha iyo wasiirka Korontada iyo Biyahana laga qaaday Mudane Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow)

Puntlandes.com

About The Author