DEG DEG: Gaalkacyo oo shir iminka uu ka socdo

25 Nov (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa iminka ka socda Shir ay isugu yimaadeen Odoyaasha iyo Ganacsatada kasoo kala jeeda dhanka Puntland iyo dhanka Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka ay DFS taageerto.

Labada dhan ayaa waxay ka wada hadlayaan dagaalkii dhawr cisho ka hor  dhacay oo dadka shacabka ah lagu garaacay Madaafiic, kaasoo ay shacabka dhan Puntland ay khasaaro kasoo gaartay.

Magaalada dhanka koonfureed aad ayaa looga qaxay, waxaana laga war sugayaa waxa kasoo bixi doona shirka socda.

Koonfurta Gaalkacyo ayaa dagaalka ay soo qaaday wuxuu salka ku hayaa wado dhanka Puntland ku taal oo ay dawlada Puntland Laami saaray.

Wixii kasoo baxa shirka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author