Faahfaahin Heshiiskii Hordhaca ahaa ee maanta Gaalkacyo

25 Nov 2015 (Puntlandes) Wada hadaladii Gaalkacyo uga socday Odoyaasha iyo Ganacsatada labada dhinac ee Puntland iyo Koonfirta Gaalkacyo ayaa ku dhamaaday iOgadoyaasha iyo Waxgaradka ka socda dhanka Galmudug ay kala soo arinsadaan maamulkooda uu garwadeenka ka yahay C/kariim Xuseen Guuleed.

Maamulka ka arimiya Xaafada Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkaco ee ay DFS taageerto ayaa waxay soo weerareen dhawr cisho ka hor dad Rayid ah oo dhisayey Wado Laami ah oo ku taal dhanka Puntland ka taliso, iyagoo ku doodayey inay iyagu leeyihiin meesha wadada laga samaynayey.

Shacabka Mudug iyo guud ahaan reer Puntland ayaa waxay si aad ah usoo dhaweeyeen sidii sy dawlada Puntland u maamushay Gardaradii ka timid maamulka DFS taageerto laakiin aan waafaqsanayn Dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku Heshiisay.

 

Qodoblagu lagu heshiiyey iyo wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes.

About The Author